Sawirro: Xamza oo caawa isugu yeeray qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa caawa la kulmay Culimada Soomaaliyeed ee magaalada Kismaayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa culimada kala hadlay doorka ay ku leeyihiin la dagaallanka Khawaarijta, dadaallada fikirkooda lagu ciribtirayo iyo dowlad wanaagga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa culimada uga warbixiyay waxqabadka Xukuumadda ee arrimaha la xiriira diinta iyo awqaafta.

Wuxuu sheegay inay ka shaqeeyeen ansixinta xeerarka Xajka, Sakada iyo dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu Xamza ka codsaday culimada in ay door-muuqda ka qaataan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ee wajigiisa labaad uu dhawaan ka bilaaban doonno Jubaland.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaruhu ka codsaday culimada inay bulshada ku dhaqan gobolka u bidhaamiyaan afkaarta gurracan argagixisada, si loo helo kacdoon bulsho.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow, ayaa la isku dhaafsaday talooyin la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.