Daawo: Xamza oo shaaciyay hanaanka ay ku imaanayaan labada xisbi ee buuqu hareeyay

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay hanaanka ay ku imaanayaan labada xisbi qaran ee lagu gaaray heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Heshiiskii 27-kii May ee Golaha Wadatashiga ayaa dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in labada xisbi qaran ee ku xusan heshiiskaasi ay ku imaanayaan tartan furan oo ay kasoo dhex bixi doonaan labadaasi xisbi.

“Hanaanka loo maro asxaabta marka la sameynayo shuruudo ayaa la dejiya oo boqolaal xisbi ayaa gasha oo la sameysta, dabadeedna waa la kala reeba, sida imtixaanka loo qaado unba imtixaan la qaada oo labada xisbi ee u sareysa ayaa noqonayo xisbiyo qaran,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu xusay in tirada xisbiyada qaran, haddii la kordhinayo iyo haddii tiradii uu kusoo baxay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran lagu deynayo, uun heshiis laga gaarayo.

“Labada xisbi ee ugu sareysa imtixaanka ama saddexdii ugu sareysa ayaa noqonaya xisbiyo qaran hadba sidii lagu heshiiyo, dalkaasi nidaamka uu qaato unbey ku xiran tahay. Marka xisbiyada qaran waxay ku yimaadan sida arday un imtixaan gashay oo kuwii ugu horreeyay laga qaatay sidaas oo kale unbey ku imaanaya hadey 2, 3 iyo ka badan noqonayaan sidaas unbey ku imaan doonaan haddii Ilaahay yiraahdo.

Si kastaba, Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana taas si weyn uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Hoos ka daawo muuqaalka