Xog: Shariif, Kheyre, Cosoble iyo CC Shakuur oo hal arrin iskula qaatay kulankii xalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan xasaasi ah oo xalay magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah xubnihii ugu miisaanka cuslaa ee Golihii Midowgii Musharaxiinta.

Kulanka oo ka dhacay hoyga madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaan ayaa waxaa looga arrinsaday wax ka beddelka dastuurka dalka, si gaar ah qoddobada taabanaya haykalka dowladda ee nidaamka baarlamaaniga ah, kaasi oo qorshihiisa ay wado dowladda madaxweyne Xasan.

Sida ay illo wareedyo ku dhow-dhow kulankaan ay u sheegeen Caasimada Online, ayaa waxay isla qaateen in aysan wax tallaabo ah qaadi doonin inta ay la kulmayaan madaxweyne Xasan Sheekh.

Siyaasiyiintan oo sida aan xog ku helnay kulan ka dalbaday Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay shantii sano ee la soo dhaafay isbahaysi ku wada jireen, codkoodana siiyeen ayaa raba in marka hore Xasan ay fursad siiyaan, kahor mowqifkood kama dambeysta ah.

Qodobka ay sida weyn u diidan yihiin mucaaradka waa nidaamka ku dhisan madaxtooyada ee madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, kaasi oo kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ay doonayaan inay hir-geliyaan, loona arko isku day awood uu isugu koobayo Xasan Sheekh.

Maalmihii lasoo dhaafay, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii billaabay olole ku wajahan xildhibaannada labada aqal ee baarlamanka, kuwaasi oo lagu qal-qaalinayo inay ansixiyaan qorshaha wax ka bedelka dastuurka.

Si kastaba, Lama oga sida ay labada dhinac ku heshiin karaan, laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wajihi doona mucaaraadkii ugu horreeyey ee saaxiibadiisii shalay kaga imaanaya.