Sawirro: R/W Xamza oo tegay garoonka AADAN CADDE, amarna ku bixiyay in deg…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo fara-geliyay xiisadda saaka ka taagneyd garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka jawaabaaya cabashooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa garoonka dayaaradaha Aadan Cadde ayaa booqasho deg-deg ah ku tagay garoonka halkaasi oo kula kulmay shacabkii dayaaradaha sugayay, oo uu ka dhageystay cabashooyinkooda.

Mudane Xamza ayaa ku amray wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, maamulka garoonka iyo shirkadaha diyaaradaha inay si deg deg ah u qaadaan dadka rakaabka ee sugayay safaradooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo kula hadlayay qaar ka mid ah rakaabka hoolka garoonka ayaa sheegay in dowladdu ay ka xuntahay dib u dhaca iyo culeyska ku yimid safaradooda, isaga oo ballan-qaaday in arrintan oo kale aanay dib u soo laaban doonin.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli saacado badan uu hakad ku yimid duulimaadyadii garoonka kadib markii buuq iyo fadeexad la xiriirta lacag sifo aan sharci aheyn looga rabo shacabka, iyada oo lacagtaas ay rabaan wasaaradda Gaadiidka iyo maamulka garoonka, sida ay Caasimada Online u xaqiiyeen xubno ka mid ah maamulka diyaaraddaha.

Lacagtaas oo 9 dollar aheyd ayaa shirkaddaha diyaaraddaha ee ay Soomaalidu leedahay ama maamulan lagu amray iney shacabka saaran, kadibna lacagtaas lagu shubo akoon ay leedahay shirkad gaar ah.

Arrintaas ayaa maalintii labaad hakad gelisay duulimaadyada gudaha (Local) ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyada oo shacab fara badan saacado ku cadibnaayeem garoonka qeybta Local-ka, kuwaasi oo markii dambe amarka ra’iisul wasaaraha lagu fasaxay.

Isku soo wada duubo, arrintan ayaa ka dambeysay markii shirkad lagu magacaabo Hornlink la soo kordhiyay, taasi oo la sheegay in nidaam cusub oo ay leedahay lagu shubayo xogta muwaadiniinta ka dhoofeysa garoonka, sidaasna ay lacagta dheeraadka ah ee rakaabka diiday ku timid.