Daawo: Ehellada Sayid Cali oo ku gacan sayray xukunka iyo tallaabo ay qaadayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada Sayid Cali Macallin Daa’uud oo maanta ay maxkamadda ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaastii Luul Cabdicasiis ayaa warbaahinta la hadlay iyaga oo ku gacan sayray xukunka ay maxkamadda gobolka Banaadir ku riday wiilkooda.

Waxay sheegeen in xukunka uusan u dhicin hanaan cadaalad ah, islamarkaan ay racfaan ka qaadan doonaan maadaama dhageysiga dacwadda aan lagu dabaqin xukunka, sida ay sheegeen.

“Sababaha aan ugu qanacsaneyn wixii lasoo maray inta dacwadda socotay waxba lagama qiimeyn, wiilka qiraal laga hayo lama sheegin, marqaatina lama sheegin maadaama dadka Islaam yahay qofka marka la dilayo shareecadda Islaamka loo bandhiga dilkiisa, waa qalad in wax shareecadda Islaamka ka baxsan,” ayuu yiri mid kamid ah Ehellada Sayid Cali.

“Xukunkaas maanta Sayid Cali lagu riday wax quseeya ma ahan, oo aan soo dhaweynayno ma ahan. Intii dacwadaasi socotay waa arkeynay waxyaaluhu siday u dhaceen, sidii aan uga hadleynay iyo cadaalad darradii aan sheegaynay maanta ayay dhacday.”

Sidoo kale waxay eedeyn culus u jeediyeen Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta ku dhawaaqay xukunka Sayid Cali ee dilka toogasho, oo ay sheegeen inuu hareermay marqaatiyaashii iyo qiraalkii Sayid.

“Wuxuu ku xukumay wax isaga jeebkiisa ah, wax asaga jeebkiisana xukun ma noqdaan oo meeshan waa garsoorka dalka ra’yi nin kama socdo, racfaan ayaa qaadaneyn illaa dalka meesha ugu sareysa maxkamadaha ayaa soconeyna.”

Ehellada Sayid Cali ayaa sidoo kale ku doodaya in wiilkooda loo hayn cadeyn sax ah oo dil loogu xukumo, islamarkaana maanta lagu xukumay mala-awaal, sida ay hadalka u dhigeen.

“Mala-awaal dhiigga bini’aadamka wuu qiimeeyo oo laguma dilo, anagu howshaas kuma jirno waana daba socon doono illaa meesha ay ku dhamaato,” ayey tiri mid kamid ah Ehellada Sayid Cali oo la hadashay warbaahinta kadib xukunka maxkamadda gobolka Banaadir.

Ehellada Sayid ayaa horey sidan oo kale warbaahinta uga soo muuqday iyaga oo ka cabanaya in cadaalad darro lagula kacay, iyaga oo markaas saluug ka muujiyay marqaatiyeyaasha la horgeeyay maxkamadda.

Si kastaba, Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday Sayid Cali Macallin Daa’uud oo maalmihii dambe ay dhageysiga dacwaddiisa ka socotay magaalada Muqdisho, ayada oo loo haystay inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo uur lahayd.

Hoos ka daawo