R/W C/Weli oo dacweeyay Puntland iyo Gaas oo looga yeeray Addis + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ay maanta u ambabaxeen Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia.

Socdaalka Madaxwaynaha ayaa waxaa ku wehliyay Mas’uuliyiin uu kamid ahaa Wasiirka Caafimaadka Puntland Saadiq Eenow, waxaana garoonka ka sagootiyay Wasiiro, Xildhibaano iyo Odayaal kawada tirsan Maamulka Puntland.

Madaxweynaha oo Garoonka kula hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in Ujeedka socdaalkiisu uu yahay sidii uu Dowlada Ethiopia ugal soo hadli lahaa Arrimo badan oo ay kamid yihiin Siyaasada, Caafimaadka iyo taabagalinta Ciidanka Maamulka.

Sidoo kale, Madaxwayne Gaas oo la hadlaayay Saxaafada ayaa ugu dambeyntiina sheegay in safarkiisu uu qaadan doono muddo labo maalmood ah kadibna uu dib ugu soo laaban doono dalka.

Dhanka kale, warar hoose oo aan ka helnay Sargaal ka tirsan Madaxtooyada Garoowe, ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas looga yeeray Magaalada Addis Ababa, kadib markii uu dacwado ka gudbiyay Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed oo maalin ka hor u ambabaxay Dalka Ethiopia wallow uu iminka ku sugan yahay Dalka Kenya.

IMG_7515 IMG_7523 IMG_74981 (1) IMG_74981 IMG_75101 IMG_75401

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com