Sawirro: C/Weli oo socdaal taariikhi ah ku tagay xeryaha qoxootiga KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Aaxmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta oo Jimco ah muddo saacado ah ku booqday xeryaha qoxootiga Soomaalida ee dalka Kenya.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa booqday xerada qoxootofa IFO One, xarun caafimaad iyo iskuul ku yaalla xeradaas oo ay wax ku bartaan carruurta Soomaaliyeed, wuxuu kaloo la hadlay qaar ka mid ah haweenka iyo odayaasha xerada ku nool, sidda uu soo sheegay wariyaaha Caasimada Online ee Nairobi.

Haddaba muxuu ku soo arkay ra’iisal wasaaraha xerada uu booqday, wuxuu arrintaas uga warbixiyay VOA-da.

Raysal wasaaraha ayaa tilmaamay in uu soo arkay dad aad u fara badan oo tiradooda uu ku sheegay 356,000 oo Soomaali ah kuwaasoo ku nool shan xero oo ka dhisan gobalka waqooyi bari dalka Kenya.

Ra’iisal wasaaraha wuxuu sheegay in uu booqday xeradii ugu dambeeyay ee laga dhisay Dhadhaaab ee IFO 1 iskuul ay wax ku bartaan carruur Soomaali ah iyo goob caafimaad intii u dhexeysay 2011 ilaa 2012-ka taasoo ay ku xareesan yihiin dadkii ka soo cararay abaartii ku dhufatay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“Mar horrey ayaan rabay in aan booqdo oo waa ay iga raagtay, waana muhiim in la soo booqdo maadama ay yihin dadkeena, waxaana rabnay in aan la tashano.”ayuu yiri.

Wuxuu tilmaamay in dadka ay la kulmeyn ay u mujiyeen wafdiga dowladda sidda ay u doonayaan in ay dib ugu laabtaan dalkooda oo aaney meel kale ku dooran karin.

Wuxuu kaloo sheegay in uu muddo dheer doonayay in uu booqdo xeryaha qoxootiga dalka Kenya ee balse ay ka raagtay sidda uu yiri maadama ay halkaas ku nool Soomaali badan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa xusay in uu la kulmay haween iyo odayaal ku nool xerada Ifo, isagoona uga warbixiyay xaalada dalka iyo sidda ay dowladda u dooneyso in ay soo celiso qoxootiga ku nool Kenya.

Wuxuu mahad celiyay dowladda Kenya iyo Hey’adda UNHCR oo taageero siiyay Soomaalida ka soo carartay dalkooda.

Muxuu yahay mashruuca Taga oo soo arka Dalkiina?

Ra’iisal wasaaraha ayaa mar uu ka hadlaayay mashruuca Taga oo soo arka Dalkiina? ee UNHCR ay hirgalisay in uu yahay mid dadka qoxootiga lagu doonayo in ay ku soo arkaan dalkooda si ay u soo qiimeeyaan

Wuxuu sheegay in dadka qaar ay tageyn Kismaayo kuwa kalena ay tagi doonaan Baydhabo si ay u soo qiimeeyaan dalka oo ay kala soo tashadaan dalka.

Qorshaha Kenya iyo Somalia

Wuxuu sheegay in markii ay ka soo laabteyn xeryaha qoxootiga dalka Kenya ay kulamo la yeesheen dowladda Kenya iyo hey’adda UNHCR una sheegeyn in aan la qasbi karin dadka Soomaalida balse cidda dooneysa in ay si iskeed ah ay dalkeeda ugu laabato in ay bixi karaan.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay siddii ay dadkeeda uga soo daad gurayn lahayd waddamada ay qoxootiga ku yihiin maadama loo baahan yahay balse waa in la dhiso ayuu yiri adeegyadii aas-aasiga sidda shaqooyinka iyo iskuuladda.

qax1qax2qax3qax4qax5qax6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com