Beesha caalamka iyo dalalka dariska & qorshahooda cusub ee Somalia (Xog)

Helsinki (Caasimada Online) – Aqoonyahan Idiris Xasan Faarax oo dalka Finland ku nool ayaa odorosay xaalka Soomaaliya iyo qorshaha reer galbeedku iyo waddamada dariska ka lee yihiin dalkeena hooyo.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in beesha caalamka iyo waddamada dariska ay doonayaan siddii Soomaaliya loo kala gooyn-gooyn lahaa.

Wuxuu tilmaamay qorshaha fedaraalka ee la rabo in dalka laga dhaqangaliyo uu yahay siddee beesha caalamka iyo waddamada dariska ay u sameesan lahaayeen dowlad hoos-tagda

Wuxuu sheegay in beesha caalamka iyo waddamadadariska ay rabaan in ay arkaan dowlad ay xukumi karaan in ay ka dhalato Soomaaliya ama ay ku jirto dagaalka sokeey.

“Kooxda beesha caalamka la yiraahdo qorshahooda waxa weeye in kala jarjaraan Soomaaliya oo ay ku beeraan nidaamka fedaraalka ama ay ku jiraan dagaalka sokeeye” ayuu yiri.

Aqoonyahankan ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya la rabo in aysan waligeed dowlad rasmi ah yeelan taasna lagu heshiiyay oo ay ku heshiiyeen beesha caalamka iyo waddamada dariska.

Dad badan ayaa aaminsan in nidaamka fedaraalka oo hadda muran ka dhaliyay gobalada qaar ee dalka uu yahay qorshe ay lee yihiin waddamada dariska iyo kuwa beesha caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com