C/QEYBDIID oo u jawaabay GAAS kana digay dagaal dhex mara labada dhinac

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdixasan Cawaale Qeybdiid ayaa u jawaabay dhiggiisa maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, wuxuuna sheegay in Puntland ay billaabeyso dagaal dhexmara maamulkiisa iyo Puntland.

Cabdiqeybdiid oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Cabdiweli Gaas uu abuurayo dagaal cusub oo ka dhex qarxa dadka deggan gobalada dhexe.

Wuxuu sheegay in Cabdiweli uu ku qaldan yahay in uu ka hadlo dano ay lee yihiin dadka deggan gobalada dhexe.

Cabdiqeybdiid ayaa xusay in qorshahooda uu yahay siddii loo dhisi lahaa maamul ay ku mideysan yihiin gobalada dhexe.

Hadlaka Cabdiqeybdiid ayaa jawaab u ah hadal uu dhawaan sheegay madaxweynaha Puntland kaasoo ahaa in Cabdiqeybdiid hadalkii uu ka sheegay 30-kii bishii hore ee ahaa (Fat ama ha fadin) uu ahaa mid goodin ah oo gardaro garab og ah sidda uu yiri.

Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeestay heshiiska lagu gaaray Muqdisho ee ahaa in la dhiso maamul ay ku mideysan yihiin gobalada dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Caasimada@live.com