XOG: R/W Cabdi Weli oo xildhibaanno badan kasoo jabsaday Faarax C/qaadir

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul waaaraha Soomaaliya, ayaa ku guuleystay inuu xildhibaanno dhowr ah ku qanciyo inay ka tanaasulaan mooshinka isaga ka dhanka ah ee ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay xildhibaanno u sheegeen Caasimada Online.

Cabdi Weli Sheekh, ayaa xildhibaanno kor u dhaafaya 80 oo mooshin wada shalay kulmay magaalada Nairobi, oo uu booqasho ku tagay, kadib markii uu ka war-helay qorshaha mooshinka, waxaana uu u sameeyey qado.

Xildhibaanno la hadlay Caasimada Online, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa sheegay in xildhibaanno ku dhow 20 ay Cabdi Weli ka aqbaleen inay ka laabtaan mooshinka ay diyaarinayaan ee la doonayo in xilka looga qaado.

Cabdi Weli oo shalay la kulmay xildhibaannada
Cabdi Weli oo shalay la kulmay xildhibaannada

“Inkasta oo Cabdi Weli uu xildhibaannada qaar maskaxdooda beddelay, haddana weli howsha fari kama qodna, oo waxaa harsan xildhibaanno badan” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaannada mooshinkan wada, ayaa waxaa lacag badan siiyey Faarax C/qaadir, oo laba toddobaad ka hor kula kulmay magaalada Nairobi, sida ay horey u daabacday Caasimada Online.

Beesha caalamka oo Faarax kula kulantay magaalada Naiorbi, ayaa ka codsatay inuu joojiyo mooshinka, hase yeeshee waxaa ay wararka sheegayaan in weli uu wado qorshaha, isaga oo sidoo kalena xildhibaanno badan ku diyaarinaya Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com