Xog: Xasan Sheekh & Faarax C/qaadir oo codad sir ah laga duubay looguna..

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo Xog-Ogaal ka tirsan Madaxtooyada Somalia, ayaa Caasimada Online u sheegaya in Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya Kamaal Guutaale uu gor gortan lixaad leh kula jiro Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka Faarax C/qaadir.

Ilo-wareedka ayaa sheegaya in Kamaal Guutaale uu ku goodinaayo inuu soo bandhigi doono xogo iyo Macluumaad farabadan oo uu ka haayo Madaxweyne Xasan iyo Xubno badan oo ka tirsan Dam-Jadiid, kuwaasi oo uu uriyey intii uu ka shaqeynayey Villa Somalia.

Kamaal Guutaale oo nin xariif ah, ayaa lagu warramay inuu codad badan ka duubay Xasan iyo Faarax, ayada oo qorshihiisu ahaa in mar walba uu Xasan iyo Faarax libin ka haysto.

Kamaal Guutaale waxa uu ku hanjabayaa inuu soo bandhigi doono waxyaabaha lagu dhaliilaayo Dowlada Xasan Sheekh oo qoraal iyo Cadeymo ah, waa haddii aan lagu abaalmarin xilka uu ka doonayo Dowlada, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in Xasan Sheekh uu u baqay sharaftiisa kuna dhiiranaayo inuu Xil muhiim ah u magacaabo Kamaal Guutaale.

Kamaal ayaa mar walba lagu qanciyaa in xil muhiim ah la siin doono, hase yeeshee waxa uu qaataa lacag dhan 50 kun oo dollar, bil walba, inta xil uu ka helayo.

Xogtan, ayaa waxaa Caasimada Online lasoo gaarsiiyey dhowr bilood ka hor, hase yeeshee waqti badan ayay nagu qaadatay inaan soo xaqiijinno, waxaase hadda inoo sheegay dad aan ugu kalsoonnahay.

Kamaal Guutaale ayaa waxa uu xilkii Agaasimenimo hore ku waayay kadib markii uu dhowr jeer is hortaag ku sameeyey Xildhibaan iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaa Dowlada oo kulamo xasaasi ah la lahaa Madxaweynaha, waxaana jira warar tilmaamaya inuu Dhaqaale ka qaadan jiray ruux waliba oo doonaya inuu la kulmo Madaxweynaha, taasina ay sababtay inuu xilkiisa ku waayo.

Si kastaba, Xasan marnaba ma ogeyn in Kaamaal uu codad ka duubay isaga iyo Faarax, hase yeeshee toddobaadyo kadib markii uu xilka ka qaaday, ayuu Kamaal billaabay hanjabaadda.

Dhanka kale, warar hoose ayaa tibaaxaya in Kamaal Guutaale loo magacaabi doono mid kamid ah Safaaradaha Carabta, gaar ahaan kuwa dhaqaalaha ku bixiya Dowladda.

Xasan Sheekh iyo Ururkiisa ayaa waxa ay ka cabsi qabaan in xogaha laga haayo banaanka loo soo saaro, iyadoona Kamaal Guutaale uu awood u leeyahay inuu Kashifo Macluumaadyo lid ku ah Hanaanka Dowladnimo oo ay sameeyen Madaxweyne Xasan, Faarax C/qaadir, C/kariin Gulleed iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Dam-Jadiid.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com