Video: S/Land oo aqoonsatay Khatumo

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ee waqooyiga Somalia, ayaa sheegay inuu aqoonsaday maamulka Khaatumo State ee uu hoggaamiyo madaxweyne Dr. Cali Khaliif Galayr.

Wasiir ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeeysay ka qeyb galay madal lagu taageerayay maamulka cusub ee Khaatuma State of Somalia, kana shaaciyey in Somaliland tixgelisay rabitaanka shacabka Khaatuma, sidaas darteedna ay aqoonsadeen.

“Khaatumo waxa ay ka mid ahaan jirtay Somaliland, laakiin haddii shacabkii ay yiraahdeen annaga waxaa nahay maamul gooni ah, waan ixtiraameynaa rabitaankooda, waana aqoonsannahay” ayuu yiri.

Waa markii ugu horeeysay ee reer Somaliland aqoonsadaan Khaatuma, hase yeeshee tani waxay ka dhalatay markii ay xaqiiqsadeen heerka uu gaaray rabitaanka bulshada Khaatuma State.

Halkan ka daawo hadalka wasiirka

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com