DF oo xaqiijisay in SOMALILAND ay ku jirto deegaanada doorashada 2016-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka diinta iyo awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta sheegay in deegannada uu maamulka maamulka Somaliland ay ku rajo weyn yihiin marka uu sannadka yahay 2016-ka in ay ka mid noqdaan goobaha ay ka dhici doonto doorashadda Soomaaliya.

Wasiirka oo ka qeybgalaayay kulanka Jimcaha ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu socdo xiriir u dhexeeya Somaliland iyo dowladda fedaraalka kaasoo u jeedkiisa uu yahay siddii doorashadda ka dhaceysa Soomaaliya ay u noqoto mid guud ahaan ka qabsoonta dalka oo dhan.

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in wadahadallada u socda dowladda iyo maamulka Somaliland loo baahan yahay in la dar-dargaliyo maadama ay ka culus yihiin maamul gobaleedyada kale ee dalka hadda laga unkayo sidda uu yiri.

Ridwaan Xirsi Maxamed oo ah nin ka soo jeeda deegannada Somaliland ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay dardargaliso wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo dowladda fedaraalka maadama la doonayo in la mideeyo dalka oo dhan.

Muxuu ka yiri waqti korarsi loo sameeyo xukuumadda?

Mar la weydiiyay in labada sanno ee u harsan dowladda ay ku qaban karto howlaha laga sugaayo oo ay ka mid tahay dhammeestirika maamul gobaleedyada dalka iyo dastuurka qabyada oo afti dadweyne loo sameeyo.

Waxa uu sheegay wasiirka diinta iyo awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya in xukuumadda aanu marnaba waqti korarsi ay sameesan doonto marka ay u dhammaato labada sanno ee u harsan.

“Haddii baarlamaanku uu ansixiyo hindisayaasha hor yaalla, shacabkuna uu na taageero goolka waan dhallin karnaa” ayuu yiri Ridwaan Xirsi Maxamed.

Wuxuuna sheegay in u jeedadooda ay tahay dalka oo ka dhacdo doorasho rasmi ah taas ayaana u jeedkeenu yahay ayuu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa dedaalo xooggan ugu jirta siddii dalka ay uga dhici lahayd doorasho marka sannadka uu yahay 2016-ka in kastoo ay jiraan dad badan oo arrintaas shaki weyn ka qaba marka loo eego sidda ay wax yihiin iyo howlaha horyaalla dowladda ka hor 2016-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com