DFS oo ka jawaabtay baaqii PUNTLAND

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah ooo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta xukumada Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegey in dowlada dhexe ee Soomaaliya ay soo dhaweyneyso baaqii ka soo baxay maamulka Puntland ee ahaa in wada xaajood lagu dhameeyo waxkasta oo tabasho ah.

War saxaafadeedka oo ku sixiixnaa Wasiirka Warfaafinta mudane Mustafa sheekh Cali Dhuxulow ayaa u qornaa sida atan.

“Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya waa dowlad aaminsan in kala duwanaanshaha mabda’a ah lagu xaliyo wadatashi iyo wadaxaajood”

“Ayadoo laga amba qaadayo ayaa dowladu waxaa ay soo dhaweynaysaa wada hadalka ay ku baaqday Puntland si xal looga gaaro wixii tabosho ah iyo is faham waa ah ee jira” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

“Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya waxaa ay cadaynaysaa in ay diyaar u tahay in wada hadalkaasi la galo xili iyo goor kasta ayadoo wixii farqi ah ee jira aan dhexdeyna xalisano”.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com