Seychelles oo soo dhaweysay xarriga Gafaanje oo MUQDISHO lagu qabtay

Seychelles (Caasimada Online) – Dowladda Seychelles ayaa soo dhaweysay xarrigga mid ka mid ah hoggaamiyaasha kooxaha burcad-badeeda Soomaalida oo Axaddii la soo dhaafay lagu xiray caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

War-qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Seychelles ayaa lagu sheegay in Maxamed Garfaanje uu mas’uul ka ahaa dilka labo muwaadin oo u dhashay dalka Seychelles kuwaasoo iyagoo kalluumeysanaayo lagu dilay meel ku dhow badda dalkaas.

Warka qoraalka ayaa lagu sheegay in qabashada Garfaanje uu fariin cad u yahay kooxaha burcad-badeeda ee ka macaashay afduubka shaqaalaha iyo kalluumeysata adeegsada xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa Garfaanje iyo ilaaladiisa ka soo qabtay gurri ay ku dhuumaaleesanaayeen oo ku yaalla xaafadda Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

Waa hoggaamiyihii labaad ee kooxaha burcad-badeeda Soomaalida ee la qabto, sannadkii hore ayey ahayd markii dalka Belgium lagu xiray Maxamed Cabdi Afweyne.

Afweyne ayaa lagu eedeeyay in uu mas’uul ka ahaan afduubka muwaadiniin u dhashay dalka Belgium, waxaana lagu xukumay 20 sanno oo xarig ah oo uu qaadan doono dalkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com