Shaqaalaha Shabeelle oo afka furtay & xaalad khatar ah oo soo food saartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sagaal cisho ayaa ka soo wareegatay markii dowladda ay xirtay Idaacaddaha madaxa banaan ee Shabeelle iyo SKY oo magaalada Muqdisho ku Yaalla.

Labadan Idaacad ayaa lagu eedeeyay in ay si bareer ah u aflagaadeeyeen mas’uul ka tirsan dowladda isla markaana waxa ay taageero aan geed loogu soo gamban u muujiyeen hoggaamiyaashii dagaalka iyo kooxo mucaarad ah oo Muqdisho ka dhisan.

Waxaa lagu eedeeyay inay shaqsiyaad dowladda ka tirsan ay si toos u weerareeren waxaana ka mid ah wasiirkii hore ee ammaanka Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Haddaba markii ay dowladda intaas oo dhan u dul qaadan weysay ayay go’aan ku gaartay in la xiro labadan Idaacad oo ka mid ah Idaacadaha ugu afka dheer magaalada Muqdisho.

Waxaa kaloo la xiray milkiilihii labada Idaacad, Cabdi Maalik Yuusuf Maxamed, agaasimihii Idaacadda SKY Maxamuud Carab iyo ku xigeenka madaxa wararka Idaacadda Shabeelle Axmed Xasan, waxaana ay ku xiran yihiin xabsiga Jilacow ee ku dhex yaalla xarunta madaxtooyada.

Waa siddee xaalka Idaacaddaha la xiray iyo shaqaalihii ka shaqeenaayay?

Sahro Cabdullaahi Yuusuf, waxay ka mid tahay shaqaalaha Idaacadda Shabeelle, waxay sheegtay in ilaa hadda ay xiran yihiin mulkiillihii, labada Idaacad iyo labo kale oo ka mid ah shaqaalaha Idaacadda oo uu ku jirro agaasimaha Idaacadda SKY.

Waxay sheegtay sidda dasruurka ku qoran in muwaadinka uusan xabsi ku jiri karin mudd0 48-saac balse muddo sagaal cisho ayey xiran yihiin ayey tiri seddaxdaas qof iyagoo aan wax maxkamad ah la soo taagin waana sharci darro ayey sii raacisay.

Waxay sheegtay in shaqaalihii ka shaqeenaayay Idaacadda oo ay tiradooda ku sheegtay 90 qof oo rag iyo dumar isugu jirra in ay magaalada ku heysato shaqo la’aan isla markaana ammaankooda uu halis ku jirro maadama aaney jirin cid damaano qaadi karta.

Sahro Cabdullaahu Yuusuf ayaa sheegtay in u jeedka loo xiray labada Idaacad iyo Talafishanka Shabeelle ay tahay siddii loo aamusiin lahaa Shabeelle iyo SKY balse waxay tiri arrintaas dowladda waa ay ku guul darreesan doontaa.

Waxay sheegtay in ay ka mid yihiin muwaadiniinta dalka wax ka leh mustaqbalkana ay mas’uuliyiin ka nooqn doonaan xilligaasna lala xisaabtami doono dowladda.

Siddee ayey uga jawaabtay in ay noqdeen kuwa mucaarad ku ah dowladda?

Waxay sheegtay Sahro Cabdullaahi in warbaahin iyo dowlad aaney waligood heshiin karin maadama warbaahinta markasta ay sheegeyso ceebaha ay lee dahay dowladda, waana wax caaddi ah oo adduunka ayey ka jirtaa ayey tiri.

Waxay sheegtay in dowladda wax yaabaha ay ku heysato Shabeelle ay tahay maxaad runta u sheegeysaan taasna ma soconeyso ayey tiri.

Waxay kaloo sheegtay in ay la soo xiriireen hey’addo badan oo u dooda xuquuqda saxaafadda ay kamid yihiin CPJ, IFJ iyo kuwa kale kuwaasoo u sheegay in ay ka xun yihiin xarrigga mulkiilaha Idaacadda iyo labada kale ee shaqaalaha ah.

Ugu dambeyn waxay madaxda iyo saraakiisha ciidamada dowladda ay ugu baaqday in maxkamad la soo taago ragga xiran haddii ay dambi galeyn lala xisaabtamo dibna loo sii daayo labada idaacad maadama ay shaqaale badan ka shaqeenaayeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com