Soomaali badan oo ku LA’TAY Xeebaha dalka Libya (Waa imisa tiradooda?)

Tripoli (Caasimada Online) – Wakaalada wararka AFP ayaa maanta oo Sabti ah qortay in la la’yahay 150 qof oo ah muhaajiriin Afrikan ah kuwaasoo la socday dooni ku degtay meel 60 km u jirta xeebaha dalka Libya.

Sarkaal u hadlay ilaalada xeebaha dalka Libya laguna magacaabo Cabdiladiif Axmed ayaa sheegay in ay la soo badbaadiyay 16 ka mid ah dadkii la socday doonta 15kalena ay meydadkooda ka soo heleen doonta ku degtay xeebta Libya balse wuxuu lee yahay waxaa la la’yahay 150 ka mid ah dadkaas.

Dadkan ayaa la sheegay in ay u badan yihiin Soomaali iyo Eritiyan balse ma sheegi karaan ilaalada xeebaha dalka Libya faah-faahin ku saabsan dadka dhintay dhalashadooda iyo halka ay ka yimaadeen.

Wariye ka tirsan AFP ayaa sheegay in uu soo arkay meydka wiil yer oo xiran jaakada badbaada.

Dalka Libya waa dal qani ku ah batroolka balse khalalaaso siyaasadeed iyo tartanka xagga awooda ah ayaa ka dhigtay dalka in ay ku xoogeestaan kooxaha dadka tahriibiya.

Dowladda KMG ah ee dalka ka dhisan awoodeeda ayaaba iska kooban waana ay adagtahay in ay la socoto qulqulka tahriibayaasha ka immaanaya dalalka saxaraha Afrika ka hooseeya.

Dalka Libya ayaa sidoo kale loo arkaa dal aan dagganeen waana meel surin u ah tahriibayaasha gala jaziiradda Malta.

Bishii hore ayaa kalluumeysato reer Tunisa waxay soo badbaadiyeen 75-qof oo la socday dooni kabkaban taasoo ku ciladowday xeebaha dalka Libya.

Tirakoob la soo saaray ayaa la sheegay in dadka ka tagay Libya sannadkan in ay aad uga badan yihiin dadkii sannadkii 2011-ka ka tagay xilligaas oo kacdoono ay ka socdeen qaar ka mid ah waddamada carabta.

Inta badan tahriibayaasha ka baxa Libya ayaa raaca doomo macmal ah kuwaasoo ka sameesan alwaax la isku kakabay, waxaana laga buuxiyaa tan ka weyn doontaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Tripoli

Caasimada@live.com