SOMALIA oo ay ku sii faro-badanayaan dowlado aan is aqoonsaneyn (Akhriso Magacyada 13 ka mid ah dowladahaas)

Muqdisho (Caasimada Online) – Bur-burkii Dowladii dhexe ee Somalia, waxaa laga dhex lay Bur-bur dhulka dhigay Daaraha iyo kaabayaasha dhaqaale ee uu dalka ku dhisnaa.

Bur-burka Dalka kaliya ma uusan saameyn Dhaqaalaha iyo Kaabayaasha ee waxa uu sababay Bur-bur ku imaaday Nidaamkii Dowladnimo, iyadoona Bur-burkaasi uu dhalay Maamulo badan oo aan waafaqsaneyn Nidaamka Dalka.

Is faquuq iyo Khilaafyo baahay oo dhex maray Qabaa’ilada Soomaaliyeed waxaa ka dhashay in qeybqeyb loo kala qeybsado Gobolada Dalka, iyadoona loogu wanqalay Maamulo aan Talo iyo tusaalaba la wadaagin Dowlada dalka ka dhisan halka qaarkoodna ay shaaciyeen inay ka go’een Somalia inteeda kale.

Haddaba Bur-burka iyo is faquuqa ayaa waxaa ka dhashay Maamulada soo socda:-

1-Dowlada Jubaland

2-Dowlada Galmudug

3-Dowlada Somaliland

4-Dowlada Puntland

5-Dowlada Khatumo State

6-Dowlada Ximin iyo xeeb

7-Dowlada Koonfurgalbeed

8-Dowlada Banaadir State

9-Dowlada Shabelle State

10-Dowlada Hiiraan State

11-Dowlada Azania Land

12-Dowlada Owdal State

13-Ceel-buur State

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com