WASIIRO booqday Xabsiga dhexe ee Xamar (Daawo Sawirrada xaaladda)

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin uu horkacaayay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha Diinta iyo Owqaafta, Ridwaan Xersi Maxamed iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada ayaa maanta booqday Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka, ayaa waxaa Booqashadiisa ku wehliyay Wasiiro ay kamid ahaayen Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka, wasiirka warfaafinta iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ee dhawaan la magacaabay oo hal hal u booqday Xabsiyada iyo goobaha lagu kariyo Raashiinka Maxaabiista.

Mas’uuliyiinta oo dhowr dhinacyo ka kala socday ayaa waxa ay ku dhawaad Laba saac kormeer ku dhex joogen Xabsiga iyagoona isha mariyay gabi ahaan qolalka ay ku xiran yihiin maxaabiista iyo goobaha cuntada loogu kariyo.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo Xeer ilaaliyaha ayaa booqashada kadib warbaahinta kula hadlay Goobta waxa ayna sheegen in nolosha Maxaabiista ay kasoo reyneyso sidii hore, waxa ayna ballan-qaadeen in dowladdu ay xooga saari doonto sidii loo ballaarin lahaa Xabsiyada islamarkaana ay nafis ku filan Maxaabiista u heli lahaayen.

Faarax C/qaadir Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka ayaa sheegay in ujeedka kormeerka uu yahay u kuur-gelida xaaladaha ay ku sugan yihiin maxaabiista ku jira xabsiga dhexe.

Wuxuu Tilmaamay in Booqashadu ay noqon doonto mid sii socta oo aan ku ekaan doonin maanta, isagoona Cadeeyay in ujeedka ugu weyn uu ahaa in loo kuur-galo xaaladaha amni, dhaqaale, caafimaad iyo maamul ee xabsiga iyo maxaabiista ku xiran.

Dhanka kale, Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay warbixin ka dhageysteen Taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed, Xuseen Xasan Cismaan waxa uuna tilmaamay inay jiraan dhibaatooyin xabsiga ku haysta maxaabiista, isla markaana uu wali dayactir u baahan yahay xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com

DAAWO SAWIRADDA

1 - Copy 2 - Copy 3 - Copy 4 - Copy 5 - Copy 6 - Copy 7 - Copy 8 - Copy 9 - Copy 10 - Copy 11 - Copy 12 - Copy 13 - Copy 14 - Copy 15 - Copy 16 - Copy 17 - Copy 18 - Copy 19 - Copy 20 - Copy 21 - Copy 22 23 24 25 26 27 28 29