Sawirro: Somalida ku dhaqan Barron, WI, oo loo qabtay kullan wacyigalineed

Masjidka Taqwa ee magaalada Barron, gobolka Wisconsin, dalka Mareykanka, waxa lagu qabtay Jimcihii kullan bulshada Soomaaliyeed ee magaaladaasi ku dhaqan loogu wacyi galinaayay sidii ay u joogteyn lahaayeen iska warqabka bulshada dhexdeeda iyo xuska Alle.

Wariye Jamal Ahmed Osman, oo goob joog ahaa madashaasi, ayaa soo sheegaya in Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Ali Sheekh Ibraahim, iyo culimo kale oo Soomaaliyeed, kuwaas oo dhawaantan ka yimid dalka Soomaaliya, ay masidka ku soo bandhigeen muxaadaro bulshada magaalada Barron ee gobolka Wisconsin loogu dar dar galinayay inay Alle ka cabsiga badiyaan.

Shuyuukhda, ayaa bulshada Soomaaliyeed, sidoo kale ku wacyi galiyay maadama, ay joogaan dal kamid ah dalalka reer galbeedka inaysan illaabin dhaqankooda iyo diintooda.

Sheekh Cabdul Haaddi Ali Kulmiye, oo ah Imaamka Masjiddu Taqwa ee Barron, Wisconsin, ayaa isaguna uga mahad celiyay culimadii uga timid meelo fog fog bulshada Barron si ay u baraarujiyaan.

Kullamada noocaani ah, ayay bulshooyinka Soomaaliyeed ee qurbaha u yihiin kuwa ahmiyad weyn ugu fadhiya, iyadoo markaste la isa soo xasuusiyo ku dheganaanshiyaha diinta iyo caqiiddada qofka Muslimka ah.

barron (1)barron (2)barron (3)barron (4)barron (5)barron (6)barron (7)barron (8)

———————
Jamal Ahmed Osman
Somali Journalist
Barron, WI, USA