Xog: DFS oo lacag u qortay Amisom-ta Villa Somalia & ciidankii DF oo baahan

Muqdisho (Caasimada Online) – Sargaal ka tirsan Madaxtooyada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxda Dalka gaar ahaan Madaxweynaha, Agaasimaha Madaxtooyada, Wasiirka Maaliyada, Cadaalada iyo Dastuurka, Gaashandhiga, ay lacago guno ah u meel-mariyeen Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka haya Villa Somalia.

Sargaalka ayaa inoo xaqiijiyay in qorshahaasi uu bilowday maalmo ka hor, waxa uuna sheegay inuu ahaa mid ka dambeysay kadib markii Muddo aan Mushaar la siin Ciidamada AMISOM ee Howlgalada u jooga Dalka Somalia.

Sargaalka ayaa waxa uu bixinta Lacagtaasi Gunada ah ku micneeyay mid lagu kasbanaayo Ciidamada AMISOM maadama aysan qaadan lacagahooda, islamarkaana ay suuragal noqon karto inay ka jiiftaan Howlaha kaga aadan Xaqiijinta Ammaanka Madaxda Dalka.

Dhanka kale, Sargaalka ma uusan xusin halka ay dhantahay lacagahaasi gunada lagu bixinaayo, balse waxa uu cadeeyay in go’aankaasi uu yahay mid Mas’uuliyiintaasi u gaar ah.

Waxa uu Tilmaamay in Villa Somalia ay ku sugan yihiin Ciidamo Soomaali ah oo aan qaadan wax Mushaar ah, taasina ay nasiib daro u noqoneyso DF.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com