KENYA oo laga wareejiyey hoggaanka Amisom ee Kismaayo, 6 sabab dartood

Kismaayo (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa heshay xog gaar ah oo sheegeysa in Ciidanka Kenya ee xoogga ku haysta Kismaayo laga wareejiyay hogaanka Amisom,, kadib markii ay ku dhaqaaqeen Howlo ka baxsan awoodooda Sharciyadeed.

Sida uu sarkala sare oo ka tirsan dowladda Somalia u xaqiijiyey Caasimada Online, todobaadyo ka hor ayuu Taliska AMISOM ka qaaday Ciidanka Kenya hogaanka, waxaana lagu wareejiyey ciidamada Sierra Leone.

Is-beddelkan ayaan weli si rasmi ah loo shaacin, hase yeeshee waxaa sabab u ahaa kadib markii ay Madaxda sare ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka codsadeen Midowga Africa in Kenya laga wareejiyo Hogaanka Howgalka AMISOM ee Kismaayo.

Sarkaalka dowladda federaalka ka tirsan ee Caasimada Online la hadlay, waxa uu sheegay in sababaha hogaanka looga qaaday Ciidanka Kenya ay ka mid yihiin:

1- In ay la safteen Dhinac ka mid ah Beelaha ku dagaalamay Kismaayo

1- In ay si sharci darro ah ay uga dhoofiyeen Dekedda Kismaayo Dhuxusha ay Mamnuuceen Sanad ka hor Golaha Amaanka QM, DFS & Midowga Africa.

3- In ay Wasiiro iyo Xildhibaanno ka socda Dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo ka yimid Muqdisho u diideen inay galaan Kismaayo, iyagoo ka celiyay Garoonka Diyaaradaha.

4- In aysan u hogaansamin Amarrada Hogaanka Guud ee AMISOM iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

5- In ay si cad uga qeyb-galeen Dagaal Beeleed ka dhacay Kismaayo 2013-kii, iyagoo Duqeyn u gaystay Xaafadaha Kismaayo oo Dad badan oo Shacab ah ay ku dileen.

6- In Hub aan shacri ahayn siiyeen Maleeshiyada Raas Kambooni oo Dhibaataynaya Shacabka Jubbooyinka.

Arrintan ayaa la sheegay inuu si aad ah uga xanaaqay Axmed Madoobe, oo Madaxda Dowladda Federaalka uga baxay Ballantii ahayd in uu Lix Bilood kadib Heshiiskii Addis Ababa uu kusoo wareejiyo Maamulka Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Kismaayo.

Sarkaalkan la hadlay Caasimada Online, ayaa sidoo kale sheegay in tallaabada tan xigta ay noqon doonto sida uu qorshaha yahay in Ciidanka Kenya guud ahaan laga soo saaro Kismaayo, laguna wareejiyo Ciidan kale oo dhexdhexaad ah kana socda AMISOM.

Ciidanka Kenya waxa ay Kismaayo qabsadeen October, 2011.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com