Sawirro: Rooble oo kulamo siyaasadeed billaabay xilli uu wajahayo dagaalka Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hoygiisa uu ka degan yahay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in kulankaasi uu ahaa is xog wareysi ku aadan xaaladda dalka iyo doorashooyinka oo qeybo kamid ah dalka ka qabsoomay.

Kulanka Rooble uu la yeeshay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa waxa uu qeyb ka yahay kulamo gaar gaar ah oo uu Ra’iisul wasaaraha la yeelanayo Musharaxiinta Mucaaridka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Rooble ayaa mas’uuliyiintaas kala hadlaya arrimaha doorashooyinka, asaga oo uga warbixin doona hanaanka doorashada, taasi oo dhabaha u xaareysa in doorashooyinka ku qabsoomaan jawi xasiloon.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa xalay xafiiskiisa kula kulmay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaasi oo looga hadlay arrimaha taagan iyo xaaladda guud ee dalka, waxaana lagu soo hadal qaaday dhiiro-gelinta dedaallada socda iyo tallaabada uu qaaday Rooble ee ka dhanka ah wareegtadii Farmaajo.

Si kastaba, kulamadaan ayaa waxay kusoo aadayaan xili uu ra’iisul wasaaraha wajahayo dagaal siyaasadeed oo uga imaanaya dhanka Villa Somalia, kaasi oo uu hormuud yahay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.