Xafiiska Rooble oo saxiixay heshiis iyo beesha caalamka oo $7.2 milyan ku bixineysa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa goordhoweyd heshiis la xiriira arrimaha doorashooyinka la saxiixday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in xafiisku uu QM la saxiixday lacag dhan $7.2 Milyan (Toddobada Milyan iyo labo boqol oo kun oo dollar), oo qeyb ka ah qarashka ku baxaya doorashada.

“Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa maanta la saxiixday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya $7.2 M (Todobo Milyan iyo Labo Boqol Kun oo Doolar ) oo qeyb ka ah Miisaaniyadda doorashooyinka dalka. Yaboohan ayaa fududeyn doono dardargalinta doorashooyinka bilowday,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka in lacagta uu maanta xafiiska Rooble la saxiixday xafiiska Qaramada Midoobe ay qeyb ka tahay yabooha fududeyn doona dardar-gelinta doorashooyinka ka bilowday dalka.

Rooble iyo xafiiskiisa ayaa dadaal xoogan ugu jira dardar-gelinta hanaanka doorashooyinka dalka oo uu mas’uul ka yahay, taasi oo ka bilaabatay qeybo kamid ah dalka doorashada Aqalka Sare.

Heshiiskan ayaa yimid laba maalmood kadib markii Farmaajo uu wareegto uu soo saaray ku sheegay inuu ka joojiyey in hay’adaha dawladdu ay heshiiyo ama is-afgarad la galaan dawldaha, iyo shirkadaha shisheeye ilaa inta doorashada laga soo gabagabaynayo.

Rooble ayaa ku gacan seeray wareegtada Farmaajo isaga oo sheegay inuu farayo in dhammaan hay’adaha dawladda federaalka ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan dastuurka ku meel-gaarka ah ee dalka, isaga oo sheegay in hay’adaha dawladdu ay joogteeyaan adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee qaranka.