Saameynta ka dhalan karta khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa labadii cisho ee u dambeysey qoraalo isku jawaabaya is-weydaarsadey xafiiska madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraaladan ayaa ku soo beegmey xili ay magaalada Muqdisho booqasho ku imaaneysey Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, waxayna salka ku hayaan haddii xukuumadda ay heshiis gali karto xilliyada doorashada iyo haddii kale.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayaa ku amray hay’adaha dowladda inaysan gelin wax heshiisyo ah, hase yeeshee Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in awoodaha fulinta ay leedahay xukuumadda.

Haddaba saameyn intee le’eg ayey qoraaladan iska soo horjeeda ku yeelan karaan wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo arrimaha doorashada?

Ridwaan Xirsi Maxamed oo kamid ah Musharaxiinta mucaaridka oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sharci darro ku tilmaamay wareegtada kasoo baxday madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, oo uu ku wiiqayo awooda xukuumadda.

Waxa uu sheegay in Farmaajo uu markale faraha lasoo galay arrimo sharci darro ah, islamarkaana uu ku doonayo inuu ku ciriirsado awood uusan xaq u laheyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka hore sidii 2016-kii uu yeelay madaxweyne Xasan Maxamuud wey aheyd in uu soo saaro qoraal waqtigii uu sharciyada haystay lagu hakinayo arrimaha masiiriga ee dalka aysan faro-gelin hay’adda fulinta laakiin taasi ma dhicin,” ayuu yiri Ridwaan Xirsi.

“Maanta in madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu mar labaad soo fara-geliyo, waxay noola muuqata inuu doonayo in uu ciriirsaday arrimo aan awoodisa aheyn oo xaq u laheyn.”

Si kastaba, maalamaha soo socda ayaa laga dhursugayaa sida uu usii socda xiriirka labada xafiis ee Farmaajo iyo Rooble, midaasi oo keeni karta dib u dhac ku yimaada hanaanka doorashada oo hadda ka bilowday dalka.