Sawirro: Rooble oo saddex arrin kala hadlay Qoor Qoor

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Kulanka ayaa waxay uga wada-hadleen labada mas’uul dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka oo la rabo in lagu soo dhameeyo 25-ka bishaan.

Sidoo kale waxaa kulanka diirada lagu saaray la-dagaalanka argagixisada iyo gurmadka abaaraha, xilli ay abaaro daran ku habsadeen deegaano ay kamid yihiin kuwa maamulka uu hogaamiyo Qoor-Qoor.

Shalay unbey aheyd markii uu Rooble xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee dowladda UK u qaabilsan ka hortagga Macluusha iyo Arrimaha Bani’aadminimada Nick Dyer, oo uu kala hadlay sidii gurmad loola gaari lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Kulamadaan ayaa imanaya maalmo un kadib markii uu Ra’iisul Wasaare Rooble kasoo laabtay safar uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, oo uu ka dalbaday inay door muhiim ah ka qaadato gurmadka abaaraha.

Rooble ayaa intii uu joogay Isu-tegga Imaaraadka Carabta kulamo kala duwan la qaatay madaxda sare ee dalkaasi, sida dhaxal sugaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.

Sidoo kale waxa uu la shiray hay’ada Bisha Cas iyo hay’adaha kale samafalka ee fadhigoodu yahay dalka Isu-Tegga Imaaraadka Carabta.