Sawirro: Rooble oo sheegay 3 ujeedo oo laga leeyahay safarkiisa Baydhaba (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminaya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, halkaasi oo u si weyn ugu soo dhaweeyen madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen oo ay wehlinayaan xubno ka tirsan maamulkiisa iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha, safarka Rooble ayaa ku qotoma saddex ujeedo oo kala ah:

1- Wada-shaqaynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
2 – Dar-dargelinta arrimaha doorashooyinka dalka.
3 – Iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee dowladdu u qorsheysay deegaannada Koonfur Galbeed.

Ra’iisal wasaare Rooble oo ka hadlay munaasibada soo dhoweyntiisa ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inay Baydhabo noqoto magaaladii u horeysay ee uu usafro tan iyo markii loo doortay xilka, isagoona uga mahad celiyey shacabka iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Rooble ayaa xusay in socdaalkiisa uu ku tagay xarunta gobolka Koonfur Galbeed uu qeyb ka yahay dar-dargelinta mashaariicda horumarineed iyo barnaamijka xukumadda ee Boqolka maalmood.

“Baydhabo waa magaaladii ugu horreysay ee howllo shaqo u imaado tan iyo intii aan xafiiska imid, safarkan waa mid shaqo oo qeyb ka ah barnaamijka Xukuumadda ee 100ka maalmood, waxaana furi doonnaa mashaariic la hirgeliyey, kuwa cusubna waan dhagax dhigi doonnaa, shacabka Koonfur Galbeedna waan uga mahadcelinayaa soo dhaweynta aad ii fidiseen,” ayuu yiri.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayaa isaguna dhinaciisa uga mahad celiyay ra’iisal wasaaraha iyo wafdiga uu hogaaminayo booqashada ay ku yimaadeen magaalada Baydhabo, isagoona hoosta ka xariiqay inay yeelan doonaan wada-tashiyo waxtar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa kulamo kala duwan oo wada-tashi ah la qaadan doona mas’uuliyiinta u sareysa maamulka Koonfur galbeed, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka, si uu uga dhageysto warbixinno ku saabsan nolosha deegaannada, caqabadaha jira iyo talooyinkooda ku aaddan horumarinta dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha.