Soomaali iyagoo qaxooti ku ah jasiirad maxkamad lagu soo taagay + Sababta

Valetta (Caasimadda Online) – Jasiiradda Malta waxaa ka bilowday maxkamadeynta soo galooti ay Soomaali ku jirto oo dhibaato isbuucii hore rabshado ka sameeyay magaalada Ħal Far, waxeyna markii ugu horreysay maxkamad kasoo muuqdeen Jimcadii.

Warbaahinta gudaha dalkaas ayaa sheegay in soo galootigan ay ku lug yeesheen rabshado dhacay taasoo keentay iney waxyeelo soo gaarto hanti lagu qiyaasay wax ka badan malaayiin Yuuro.

“Maxkamadda waxey u baahan tahay iney kala saarto rabshado iyo banaan-bax,” ayuu yiri u doodaha qaxootiga Martin Fenech oo sheegay iney banaan-bax kaliya sameeyeen.

Dacwad oogayaasha kuma raacin arrinkaas, waxeyna maxkamadda ka sheegeen ineysan sinaba macquul u aheyn banaan-baxayaasha iney rabshado sameeyaan.

Waqtiga xukunka lama oga, balse garsooraha maxkamadda Frendo Dimech wuxuu sheegay iney qiimeyn doonaan hantida burburtay ka hor inta aan xukun lagu ridin, waxaana lagu miisaami doonaa hantida la baabi’iyay.

Xariga ugu badan oo ay soo galootiga ay Soomaalida ku jirto wajahi karaan waa xarig afar sano ah, waxaana la ogyahay in dalka Malta uu yahay kan ugu badan ee reer Yurub kaas oo soo dhaweeya soo galootiga.

Muhaajiriinta maxkamadda lasoo taagay waxey dhamaantood kasoo jeedaan qaaradda Afrika waxeyna u kala dhasheen: Gambia, Mali, Guinea, Sudan, Ivory Coast iyo Soomaaliya.