Wararkii u dambeeyey shirka musharraxiinta + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socdo shirka musharraxiinta mucaaradka ee sanadkan ka qeyb-galaya tartanka doorashada soo socota ee 2020/2021, kaas oo galay maalintiisii labaad.

Shirweynahan oo mid wada-tashi ah ayaa waxaa looga arrinsanayaa doorashada Soomaaliya oo haatan hanaanka loo wado tabasho badan ay ka qabaan musharaxiintu.

Wararka ayaa sheegaya in markale musharraxiinta ay maanta sii amba qaadeen doodooda ku aadan doorashada iyo sida looga gudbi karo khilaafka ka taagan.

Inta badan musharraxinta ayaa saluug ka muujinayo guddiyada la soo dhisay ee ka shaqeynaya doorashada oo qaar kood lagu eedeeyey inay yihiin shaqaale dowladeed.

Sidoo kale waxaa la filayaa in shirkan laga soo saaro go’aano ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo la xiriira doorashada soo socota ee dalka.

Gaba-gabada shirkan oo beri la soo xirayo ayaa waxaa lagu wadaa in laga soo saaro war-murtiyeed, sidoo kalena lagu dhiso gole ay mideysan yihiin mucaaradka.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, waxaana jira khilaaf u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.