Shirkad diyaareed oo dhib badan kala kulantay in CC Shakuur iyo Xasan Kheyre ay soo wada raaceen

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Jimcihii dood badan ka dhalatay diyaaradii ay soo wada raaceen Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, taas oo ku saabsaneyd in aysan isla raaci doonin.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa diiday inuu diyaarad la raaco Kheyre, hase yeeshee markii dambe waxaa xaliyay maamulka Shirkadda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xilligaas weli qabay carrada weerakii 17-kii December 2017 ay ciidamada Nabad-Sugidda ku qaadeen gurigiisa, xilligaas oo uu dalka ra’iisul wasaare ka ahaa Xasan Cali Kheyre.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in markii dambe lagu heshiiyay in labadooda midna dhaq dhaqaaq ka dhax sameyn karin diyaaradda, dadka saaran sawiro lala geli karin iyo labada mas’uul isla hadli karin waxa uuna dalabkaan ka yimid Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Labada hogaamiyo oo aan isla hadlin ayaa la sheegay in ay diyaarada ka soo dageen. Sidoo kale labadooda waxaa aad u dambeeyay oo diyaarada cabaar kadib ka soo dagay hogaamiyaha xisbiga Wadajir.

Si walbaba, habeen hore ayaa lagu guuleystay in la dhameeyo khilaafka labadaan mas’uul oo muddo dheer soo taagnaa waxayna arrintaan timid markii uu Kheyre raali gelin bixiyay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qiray inuu Kheyre raali-gelin siiyey, hase yeeshee qoraal uu saaray marna kuma sheegin inuu aqbalay iyo in kale.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri “Waxaa caawa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raali gelin ka bixiyey weerarkii 17 Dec 2017.”