Sakariye Cabdi Yuusuf oo dil toogasho loogu xukumay kiiskii marxuumad Ugbaad

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa maanta xukun adag ku riday Nin ay sheegtay in lagu helay inuu geystay fal iskugu jira kufsi iyo dil, kaasi oo ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Sakariye Cabdi Yuusuf, oo ay sheegtay in lagu helay falkaasi, kaasi oo uu bishii October 11-keedi u geystay Marxuumad Ugbaad Cali Cabdillaahi oo aheyd Hooyo haysata saddex caruur ah.

Marxuumada loo xukumay kiiskeeda Sakariye ayaa waxay dhiganeysay jaamacada magaalada Burco, waxaana loo dilay si arxan darro kadib markii la kufsaday, sida uu sheegay wiil la dhashay oo lagu magacaabo Cabdinaasir Cali Cabdillaahi.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Togdheer oo maanta shaaciyey natiijada kiiskaasi, ayaa sheegay in kadib markii loo helay cadeymo iyo marqaatiyaal kiiska Ugbaad Cali, falkaasi loogu xukumay dil toogasho Sakariye Cabdi Yuusuf oo lagu helay inuu ka dambeeyay.

Kiiskan ay maanta maxkamaddu ay go’aanka ka gaartay ayaa waxa uu guux badan ka dhaliyay Somaliland, gaar ahaan magaalada Burco, kadib markii haweenay hooyo ah loo dilay si arxan darro ah, iyada oo madaxa dhulka loo dhacay kadib markii la kufsaday.

Waxa uu xukunkan imaanaya xili uu Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu balan qaaday in sharciga la hor keeni doono qofkii ka dambeeyay falka arxan darada ah ee lagula kacay marxuumada, isagoo xiligaasina amar deg deg ah siiyey hay’addaha cadaalada.

Falalka kufsiga iyo dilka ayaa sanadihii u dambeeyay kusoo badanayey dalka Soomaaliya, iyada oo la rumeysan yahay inay aad u yar yihiin dadka loo qabto falalkaasi, isla markaana loo maxkamadeeyo.