Xasan Sheekh oo digniin u diray Farmaajo iyo Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo marxalada kala guurka ayaa soo hadal qaaday arrimaha ku aadan doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Ugu horreyn Xasan Sheekh ayaa farrin u diray xubnaha guddiyada doorashooyinka ee dalka, isaga oo uga digay in aan lagu qaldin wax aysan shaqadoodu aheyn.

Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka ayaa xusay in xubnaha la soo xulay qaarkood ay yihiin ciidan, islamarkaana ay dambi galayaan haddii ay ku milmaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka ee soo socda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxweynaha iyo taliyaha nabad-sugida inay dhuujiska kaa daayaan siyaasadda, islamarkaana ay ka shaqeeyaan doorasho wada ogol ah.

“Wiilasha & Gabdhaha Soomaaliyeed waxa aan leeyahay yaan la idin qaldin oo ku shaqeeya waxa uu idiin fasaxay Qaanuunka, Ciidan ayaad tihiin, dambi ayaad galeysaan oo waxaa idin raaceysa eed aan dhamaan, madaxweynaha & milkiilaha waxa aan ugu caqli celineynaa ka daaya dhuujiska aad ku heysaan yaan la kala go’inee,” ayuu yiri.

Musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in kaliya dowladda federaalka ay isku hayaan jabinta dastuurta iyo qaanuunka dalka.

“Maanta waxa aan isku heysanaa dowladda federaalka ma ahan wax la garan waayay, wax waliba oo duruufo ah waala aqbali karaa balse kamid ma ahan wixii ka baxsan qaanuunka, guddiyada la magacaabay dastuurka raad kuma leh, qawaaniinta sal kuma lahan, Dowladnimo waa qaanuun, ceyb & cilad weyn ayay ku yihiin dimuqraadiyadda Soomaaliya,” ayaa markale yiri madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba ha’ahaatee musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa walaac xoogan iyo kalsooni darro ka muujinayo guddiyada la soo dhisay ee doorashooyinka dalka, iyaga oo shaaciyey inay u badan shaqaale dowladeed iyo ciidan ka tirsan NISA.