Rooble oo soo saaray amar la xiriira Muqdisho (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah galabta la qaatay masuuliyiinta ugu sarreysa maamulka gobolka Banaadir, kaas oo la sheegay in lagu dardar-gelinayo howllaha ay bulshada caasimadda u hayaan.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa, Rooble ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta cusub ee dhowaan loo magacaabay maamulka gobolka Banaadir inay la yimaadaan qorshe cad oo lagu horumarinayo Caasimadda.

Si gaar ah waxaa looga hadlay kulankaas dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii maalmo ka hor ka da’ay magaalada Muqdisho oo saameyn ballaaran ku yeeshay waddooyinka, danyarta iyo bilicda caasimadda.

“Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray maamulka gobolka Banaadir in la sameeyo daraasad lagu qiimeynayo khasaarooyinkii ka dhashay roobabka, gaar ahaan burburka jidadka, isagoo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in doorkooda ay ka qaataan horumarinta bilicda iyo amniga caasimadda,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku celceliyey in xukuumaddiisu ay mudnaan gooni ah siin doonto amniga caasimadda, isagoo xubnaha uu la kulamay ee maamulka gobolka Banaadir faray inay dib u habeyn ku sameeyaan leyrarka waddooyinka ku xiran, si buu yiri “aysan uga faa’iideysan mugdiga kooxaha nabad diidka ah.”

“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha kulankan muhiimka ah, isagoo sheegay in Maamulkiisu uu ka howlgeli doonno sidii wax looga qaban lahaa bilicda, amniga iyo dib u dhiska caasimadda,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Hoos ka Daawo