Sawirro: RW Kheyre oo la kulmay Mas’uuliyiinta, Saraakiisha iyo Ciidmada NISA

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa kulan la qaatay Saraakiisha iyo ciidamada NISA ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa wehlinaayay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Ra’isul wasaaraha iyo Wasiirka amniga ayaa Saraakiisha iyo ciidamada kula kulmay xaruntii hore ee Xisbiga.

Saraakiisha iyo ciidamada NISA ee uu booqday Ra’isul wasaarah, ayaa waxaa loo diyaariyay ka howlgalka magaalada Muqdisho.

Kheyre ayaa sheegay inay muhiim tahay in ciidamada NISA ay wax muuqda ka qabtaan amniga magaalada Muqdisho laga bilaabo Bisha ramadaan.

Waxa uu sheegay in ciidamada geesiyaasha ah ee Qaranka ay uga fadhiyaan in gacan buuxda ay ku qabtaan cid walba oo dhibaato ku ah amniga iyo kala danbeynta.

Waxana uu ka dalbaday qeybaha kala duwan ee bulshada in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, oo ay garabsiiyaan ciidamada si looga guuleysto cadowga had iyo jeer dhibaatooyinka u geysanaya Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaaraha oo la dardaarmaayay ciidamada ayaa yiri ”Maanta maalin ay Soomaaliya idiinka baahi badan tahay ma jirto, sugida amniga iyo xaqiijinta dawladnimadda Soomaaliya waa mid ku xiran tayadiina ciidan iyo hadba sidaad isu xilqaantaa,”