26.7 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Sawirro: Safiir Somali ah oo sida boqorod loo soo dhoweeyey..!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Islamabad (Caasimada Online) – Safiirada cusub ee Soomaaliya u fadhin doonta dalka Pakistan Khadiija Maxamed Al-makhsuumi ayaa si la yaab leh loogu soo dhoweeyay qasriga madaxtooyada dalkaasi, iyadoo lebisneyd dharka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida.

Madaxweynaha Pakistan Ma’mun Xuseen ayaa warqadihii aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada Khadiija Maxamed Al-makhsuumi oo horay u ahayd danjiraha Somalia ee dalka Ciraaq loona bedelay dalka Paksitan.

Safiiradda ayaa Qaabilaaddeeda si wanaagsan loo maamuusay, iyadoo loo garaacay Astaanta Qaran ee Somalia, isla markaana cutubyo ciidanka dalka Pakistan ka tirsan ka qaadatay salaan-sharaf.

Khadiija Maxameed Al-makhsuumi, ayaa safiir kasoo noqotay Dalka Ciraaq iyadoo ahayd Safiiraddii ugu horreysay ee Soomaaliya u soo Magacawday dalka Ciraaq tan iyo burburkii Somalia. Waana xaas u dhaxda madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Sawirro:

pak 1pak 2pak 3pak 4pak 5pak 6pak 7pak 8

- Advertisement -

Read more

Local News