Sawirro: Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo ka degay saldhiga Balli-doogle

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa maanta booqasho ku tagay saldhiga Balli-doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo noqoneysa midii u horeysay ee uu ku tago tan iyo markii uu soo magacaabay madaxweyne Biden.

Safarkaan ayaa waxa Larry ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Africa (AFRICOM) Gen. Stephen Townsend, ayada oo ay u kuur-galeen xaalada saldhigaas oo xarun u ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska xooga dalka.

Safiirka Mareykanka iyo Taliyaha ciidanka AFRICOM ayaa intii ay ku sugnaayeen halkaas kulan la qaateen ciidamada Mareykanka ee ka howl-gala Balli-doogle, ciidammada kumaandooska Soomaaliya ee DANAB iyo kuwa Uganda ee qeybta ka ah AMISOM, kuwaas oo ay kala hadleen la-dagaallanka argagixisada.

Sidoo kale Danjire André iyo Gen. Stephen ayaa waxay wada-jir ula kulmeen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Generaal Odawaa Yuusuf Raage, oo ay ka wada-hadleen aarrimaha amniga iyo howl-galada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Saldhiga Balli-doogle ee gobolka SH/Hoose oo fariisin u ah ciidamo iyo tobabarayaal Mareykan ah, ayaa waxaa inta badan laga hagaa howl-galada Ciidammada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ay ka fuliyaan gobalada Koonfurta Soomaaliya iyo weliba duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha Mareykanka.