GALMUDUG oo shaacisay doorashada kuraasta taalla Gaalkacyo – Yaa ku fadhiya?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa maanta shaaciyay liiska 11 kursi oo doorashadooda ka qabsoomeyso magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaas.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu soo bandhigay liiska kuraastaas oo kala ah; HOP#001, HOP#018, HOP#038, HOP#101, HOP#060, HOP#095, HOP#069, HOP#017, HOP#020, HOP#013 iyo HOP#021.

“Guddiga doorashada Galmudug waxuu guda-gelayaa shaacinta odayaasha iyo bulshada rayidka, diiwaangelinta iyo tababarrada guddiga xulista iyo Ergada,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu shaaciyey liiskaan.

Hoos ka aqriso xildhibaanada ku fadhiyo kuraasta la shaaciyay;

1- HOP#001 – waxaa kursigaan ku fadhiyo Warsame Maxamed Xasan (Joodax)
2- HOP#018 – Qaasim Maxamed Jaamac.
3- HOP#038 – Axmed Macalin Fiqi, Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug .
4- HOP#101 – Xersi Aadan Rooble, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada .
5- HOP#060 – waxaa hadda ku fadhido Ubax Tahliil Warsame.
6- HOP#095 – Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhalac).
7- HOP#069 – Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.
8- HOP#017 – oo ay hadda ku fadhiso Duniya Maxamed Cali.
9- HOP#020 – Cali Axmed Shariif Cusmaan.
10- HOP#013 – Maryan Maxamed Xuseen.
11- HOP#021 – Maryan Xaaji Cabdi Geedi.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa si dardar leh uga socota dalka, ayada oo muddo kooban ka harsan tahay waqtigii loo qabtay in lagu soo gaba-gabeeyo, waxaana maanta deegaan doorashadiisa labaad soo gabeeyay maamulka Koonfur Galbeed.

Maamulada kale ee Puntland, Galmudug iyo Hir-Shabeelle ayaa ayaguna qorsheynaya bilaabista kuraasta lagu qabanayo deegaan doorashada labaad, kuwaasi oo ay shaaciyeen kuraas kamid ah.