Sawirro: Xubno uu ku jiro wariye Somaliland kasoo cararay oo loo doortay BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa maanta qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi.

Kursi ka mid ah kuraasta doorashadooda la qabtay waxaa ku soo baxay Wariye Nuuradiin Cabdilaahi Col-ujoog, kaas oo ku guuleystay kursiga HOP#246, isaga oo helay codad gaaraya 96 cod, waxaana u tanaasushay Marwo Maryam Maxamed Nuur oo la tartami laheyd.

“Musharax xildhibaan Mudane Nuuradiin Cabdilaahi Col-ujoog ayaa loo qaaday codka kalsoonida ee ergada oo ay soo xaadireen 98 Ergay, wuxuuna helay 96 cod, waxa ka aamusay 2qof. Sidaa daraadeed natiijada hordhaca ah waxa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#246 Nuuradiin Cabdilaahi Col-ujoog,” ayaa natiijada kasoo baxday guddiga.

Col-ujoog ayaa horey u ahaa wariye kasoo shaqeeyey deegaanada Somaliland, balse kasoo cararay, waxaana xarumaha uu kasoo shaqeeyey ka mid ah Telefishinka Qaranka Somaliland, TV-ga Universal iyo sidoo kale Saab TV oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Sidoo kale xubnaha kale ee maanta ku soo baxay kuraasta gobollada waqooyi ee doorashadooda la qabtay ayaa waxaa ka mid ah:-

1- Cabdilaahi Maxamed Cabdi oo ku soo baxay kursiga HOP#264.
2- Nuuriya Aadan Ciise oo kusoo baxday kursiga HOP#212.
3- Dr Maxamed Xasan Maxamed oo kusoo baxay kursiga HOP#207.
4- Faadumo Ismaacil Xuseen oo ku soo baxday kursiga HOP#242.
5- Sahra Yuusuf Cige oo kusoo baxday kursiga HOP#258.
6- Caydaruus Saalax Yuusuf oo kusoo baxay kursiga HOP#224.