29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Sawirro: Mas’uul sare oo ka socda Ruushka oo soo gaaray Muqdisho iyo qorshaha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Ruushka u fadhiya Djibouti, islamarkaana Soomaaliya ka wakiilka ah, Mikhail Golovanov ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda, oo ay kamid yihiin; wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Daa’uud Aweys iyo agaasimaha waaxda Yurub ee wasaaradda arrimaha dibedda Danjire Cabdiraxmaan Diinaari.

Mikhail ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka u yimid si uu dowladda federaalka Soomaaliya u guddoonsiiyo markab sida gargaar cunto, oo ay soo dirtay xukuumadda Moscow.

Markabkaasi ayaa la filayaa inuu magaalada Muqdisho soo gaaro maalmaha socda, waxaana uu sidaa 25 kun oo tan oo sarreen ah ama qamadi.

Gargaarkan cunto ayay dowladda Ruushka ku dhawaaqdey inay siinayso dalal Afrikan ah, oo ay Soomaaliya ugu horeyso dhowr bilood ka hor.

Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii ay billowdeen dhaq-dhaqaaqyo diblumaasiyadeed oo lagu soo celinayo xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya Ruushka.

Ruushka ayaa mar ahaa saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya, wallow ay labada dal kala fogaadeen, intii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee qarxay sanadkii 1977-kii, markaas oo Midowgii Soofiyeet ee Ruushka ugu tunka weynaa uu dhanka kale la soo saftay, taasi oo keentay in Soomaaliya ay Ruushka ka ceyriso dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News