Tel Aviv (Caasimada Online) – Safiirkii ugu horreeyay abid ee ay Somaliland u magacowdo dal dibadeed ayaa Isniintii waraaqihiisa aqoonsiga diblomaasiyadeed u gudbiyay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog.
Dr. Maxamed Xaaji, oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Somaliland, isla markaana lagu tilmaamo naqshadeeyihii xiriirka Israa’iil iyo Somaliland, ayaa noqonaya ergayga ugu sarreeya ee Somaliland u fadhiya Israa’iil. Wuxuu door weyn ka qaatay dhisidda xiriirka labada dhinac.
Israa’iil ayaa bishii Diseembar ee la soo dhaafay noqotay dowladda kaliya ee caalamka ka tirsan ee aqoonsatay madaxbannaanida Somaliland, oo muddo 35 sano ah raadinaysay aqoonsi tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii.
Maxamed Xaaji ayaa sheegay in xiriirkan uu yahay mid istiraatiiji ah, isla markaana waddada u xaaraya arrimo badan oo dhinacyo kala duwan leh, oo ay ka mid yihiin horumarinta, iskaashiga siyaasadeed, iskaashiga amni iyo xiriirka labada shacab.
Ergayga cusub ee Somaliland ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay aad ugu mahadcelinayaan Israa’iil, maadaama ay ahayd dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland sannadkii 1960-kii. Wuxuu sidoo kale sheegay in hadda, 35 sano kadib markii Somaliland ay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda, Israa’iil ay mar kale noqotay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland. Waa sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan xafiiskayga ku qaabilo safiirkii ugu horreeyay abid ee Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Xaaji, kaas oo saaka ii soo gudbiyay waraaqihiisa aqoonsiga diblomaasiyadeed,” ayuu bartiisa X ku qoray Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog.
“Safiir Xaaji wuxuu si naxariis leh u ammaanay kooxdayada muusigga, kuwaas oo markii ugu horreysay abid gudaha Israa’iil ka tumay astaanta qaranka Somaliland. Iskaashigan cusub ee muhiimka ah ee dhexmaray labadeenna qaran wuxuu horseedi doonaa mustaqbal wadaag ah oo ku dhisan iskaashi dhinacyo badan leh, kaas oo faa’iido u keeni doona labadeenna shacab iyo guud ahaan gobolka,” ayuu yiri Madaxweynaha Israa’iil.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa sidoo kale qaabilay Maxamed Xaaji kadib markii uu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Herzog. Wuxuu sheegay inuu Xaaji ugu hambalyeeyay Maalinta Madaxbannaanida Somaliland, oo ku beegnayd Isniintii, 18-ka May.
Bishii la soo dhaafay, Israa’iil waxay Somaliland u magacowday safiirkeedii ugu horreeyay, Michael Lotem, halka Sa’ar uu booqday Somaliland bishii Janaayo ee sannadkan.
Somaliland ayaa weli ku dhibtoonaysa inay hesho aqoonsi caalami ah, iyadoo ay jiraan walaacyo ay qabaan caasimado badan oo caalamka ah, kuwaas oo ka baqaya in tallaabadaas ay caro gelin karto Soomaaliya, isla markaana ay dhiirrigelin karto dhaqdhaqaaqyo kale oo gooni-u-goosad ah oo ka jira dalal Afrikaan ah.
Aqoonsiga Israa’iil siisay maamulkan goostay ayaa dhaliyay dhaleeceyn xooggan oo uga timid dowladda Soomaaliya, oo muddo dheer ka soo horjeedday isku dayga Somaliland ee ah inay ka go’do Soomaaliya. Waxaa sidoo kale dhaleeceeyay Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, kuwaas oo labaduba sheegay in tallaabadaasi ay waxyeelleynayso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Midowga Yurub ayaa isna dhaleeceeyay go’aankaas, halka Mareykanku uu sheegay inuu sii wadi doono aqoonsiga madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, “taas oo ay ku jirto dhulka Somaliland.”


