Sawirro: Saleebaan oo Cadaado ku soo bandhigay awood ciidan iyo qorshaha socda

Cadaado (Caasimada Online) – Beesha Saleebaan ee Habargidir ayaa maanta degmada Cadaado ku soo bandhigtay ciidan xoog leh oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo loo diyaariyey dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale beesha ayaa soo bandhigtay gaadiid dagaal, noocyada kala duwan ee hubka iyo ciidamo badan, wuxuuna bandhigaasi ka dhacay gudaha magaalada Cadaado.

Inta badan siyaasiyiinta iyo dhaqanka beesha Saleebaan ayaa ku sugnaa goobtii maanta lagu soo bandhigay caadimadaan u diyaarsan ka qeyb galka dagaalka Al-Shabaab.

Xildhibaanada, saraakiisha, maamulka Cadaado iyo dhaqanka beesha reer Xaaji Saleebaan ayaa soo abaabulay ciidamada maanta lagu soo bandhigay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Masuuliyiinta iyo madax-dhaqameedka beesha oo warbaahinta kula hadlay goobtii lagu soo bandhigay ciidanka ayaa sheegay inay kaalintooda ka qaada doonaa dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

Sidaan oo kale beesha Cayr ee Habargidir ayaa Guriceel iyo Dhuusamareeb ugu soo bandhigtay ciidamo aad u diyaarsan oo ka qeyb gelaya dagaalka Khawaarijta.

Abaabulka ciidamadaan ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya oo kooxda Al-Shabaab ay ka joogto meelo kooban oo Ceelbuur iyo Galhareer ay ugu waaweyn yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka loo diyaar-garoobayo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ciidanka ku amro inay galaan dagaal lagu xoreynayo dalka.

Dowladda waxaa hadda u qorsheysan in Galmudug ay ka bilowdo xoreynta dalka oo dhan, waxaana Dhuusamareeb la isugu keenay dhamaan ciidamada qaranka, halka dadka deegaanku ay diyaariyeen kumanaan ciidan ah oo ka qeyb gelaya dagaalka.