Muqdisho (Caasimadda Online) – Muqdisho Maanta waxaa laga dareemayaa Sanadguuradii Koowaad ee markii la doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku beegneyd Maanta oo kale 8,dii Bishii Sanadkii tegay ee 2017.
Wadooyinka qaar ee Muqdisho ayaa waxaa la dhigay Teendhooyin uu ku xardhan yahay Sawirka Madaxweyne Farmaajo,waxana ku sugan tiro kalkaaliyaal ah kuwaas oo dadka u sameynaya Gurmad Caafimaad oo lacag laโaan ah.
Dadka ka faaโideysanaya barnaamijkan adeega caafimaad ee lacag laโaanta ayaa waxaa ka mid ahaa dad daโ ah oo lixaadkooda aan u dhameystirneyn iyo dadweyne kale oo dan yar ah, kuwaasoo aan awoodin baaritaanada caafimaad ee Isbitaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay in la qabto wax xaflad ah oo dabaal deg u ah sanad-guuradii 1aad ee ka soo wareegatay doorashada Madaxweyne Farmaajo, waxayna taas badalkeeda qarashkii ku bixi lahaa u garatay inay u adeegto dadka Masaakiinta ah.