Beelo Soomaaliyeed oo kala qaatay magta 41 nin oo ay kala dileen

Balanbale (Caasimadda Online) – Heshiis taariikhi ah ayaa magaalada Balanbale ee gobolka Galguduud ku dhex maray beelo Soomaaliyeed oo muddo qarni ah halkaasi dirir soo noqnoqatay ku dhexmaraysay, sida ay BBC-da u sheegeen odayaasha labada beelood.

Wariyaha BBC-da Xasan Geelle oo qadka taleefoonka kula xiriiray odayaasha ayaa waxaa marka hore u waramay Suldaan Cabdinaasir Xasan oo ka mid ahaa hoggaanka dhaqanka ee heshiiska saxiixay, wuxuuna yiri suldaanka “Labadan beelood muddo dheer oo illaa qarni ah ayay dhibaatadan kasoo dhex jirtay, waxay colaadaha ka nasteen xiligii Maxamed Siyaad, markii ay meesha ka baxdayna bartii ayay kasii bilaabatay, balse hadda waan ka heshiinay”.

Labada beelood ayaa ku heshiiyay in wixii hadda ka dambeeya dhibaato kasta oo ka dhex dhacda ay la tiigsadaan diinta Islaamka, gaar ahaan dilka oo qofkii qof kale dila loo gacan galinayo reerkii uu wax ka dilay oo leh qisaastiisa.

Dad gaaraya illaa 41 nin oo labada beelood ay kala dileen ayaa lagu xisaabtamay, qoysaskii ay ka baxeene la siiyay xaqoodii.

Nabadoon Maxamed Daahir oo isna BBC-da u waramay ayaa yiri “hadda ka bacdi wixii dhaca, shareecada islaamka ayaan la tiigsanaynaa, wixii hadda ka hor dhacayna in dadkii laga sabarsiiyo”, wuxuuna intaas ku daray in ay suurtogal tahay in hubka laga dhigo dadka hubeysan, laguna wareejiyo dowladda.

Mar aan wax ka weeydiinay odayaasha sida ay u hirgalinayaan heshiiska ayay sheegeen in hadda ay dalka ka jirto dowlad federaal iyo mid heer goboleed ah, taas oo soo qaban karta qofkii dambi geysta, beelahana ay ka go’antahay in aysan hoosta ku heysanin qof dhib geystay.

Inkasta oo ay aad u yaraadeen dagaaladii beelaha Soomaaliyeed dhexmari jiray, ayaa haddane heshiiskan waxa uu ka dhiganyahay mid muhiim u ah nabadda Soomaaliya, wuxuuna soo afjarayaa colaad muddo dheer soo jiitamaysay, waa haddii la hirgaliyo.

Xigash: BBC Somali

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com