Muuqaal: Dabeyl soo saartay Xaqiiqada Timaha kab-kabka ah & Bidaarta Madaxweyne Donald Trump

Washington (Caasimadda Online) – Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujiyey in timaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay yihiin kuwo kabkab ah oo qeybo badan ay maqan yihiin, basle uu isku daboolo si loo qariyo madaxa ruquqsan.

Muuqaalka xaqiiqada ah ee timaha madaxweyne Trump ayaa waxaa bannaanka soo dhigay dabeyl xoog leh xilli uu diyaaradda Aqalka Cad raacayey, waxaana si cad loo arkay in qeybta dhexe madaxa madaxweyne Trump aanu lahayn wax timo ah iyo bidaar qeybo ah oo madaxa uu ku leeyahay.

Madaxweye Trump oo 71 sano jir ah ayaa lasheegay inuu timihiisa ku qariyo kareemooyin gaara oo lagu dhejiyo in timo lagu beeray oo si gaara looga shaqeeyo, waxaase intaas oo dhan isku fuuqsaday dabeyshii haleeshay Trump.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com