Xogo cusub oo kasoo Kordhay Kulamada Xasan Sheekh Maxamuud uu ka wado dalka Kenya

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah Magaalada Nairobi kula qaatay Xildhibaano, Wasiiro iyo Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare.

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh oo dalka ka maqnaa tan iyo markii lagaga adkaaday doorashadii dhacday sanadii hore ayaa gaaray Magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen dhinacyo kala duwan oo badankood ay soo wada shaqeeyeen sanadihii uu talada dalka Maamulayay.

Dadka uu Nairobo kula kulmay waxaa ka mid ah Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) oo ah Gudoomiye ku xigeenka Aqalka Sare, Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaan C/Qaadir Cali Cosoble, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo C/Sallaan Hadliye oo soo noqday Wasiirkii arimaha dibadda Somaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo kooban joogaya Nairobi, ayaa masuuliyiinta uu la kulmay waxa uu ka dhageystay warbixin ku saabsan xaalada guud ee dalka iyo waxyaabaha ay dalka ka qabatay Dowladdii isaga ka danbeysay ee Madaxweyne Farmaajo hogaanka uhayo.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu maanta u duulo Magaalada Jabuuti, halkaas oo uu uga qaybgali doono Shir lagu casuumay oo ka dhacaya Caasimada dalka Jabuuti.

Dadka odoroso Siyaasada ayaa la yaaban kulanka ay Nairobi ku wada qaateen Xasan Sheekh oo sidoo kale hadda ka mid ah Golaha Shacabka iyo Wasiir Khadiija Diiriye oo lagu tiriyo inay qayb ka tahay dadkii wax ka riday Xasan Sheekh Maxamuud xiligii doorashada 8 February, hadana ka mid ah dadka u horeeyay u ololeynta Xukuumada Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com