31.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Sawirro: Saraakiil iyo cutubyo Gorgor ah oo tababar heer sare ah loo soo xiray

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kulliyada Tababbarka Ciidamada ee Turkiga (TurkSom).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, ay ku howlan tahay dhismaha ciidan Qaran oo loo dhamaystiray aqoon iyo hoggaamin wanaagsan, si loo xaqiijiyo himilada dowladnimada, taas oo ay saldhig u tahay dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Mudane Xamza ayaa tilmaamay in difaaca dalka iyo xoreyntiisa ay tahay mudnaanta kowaad ee uu leeyahay ciidanku, sidaas darteed Askariga Soomaaliyeed uu leeyahay karaamo iyo mudnaan gaar ah.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay laf-dhabar u yihiin dowladnimo xooggan oo isku filan, sidaasi darteed waa in aad qaadaan masuuliyadeeda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxa aad u diyaar-garowdaan in aad dalkeenna ka xoreysaan cadowga oo soo celisaan qiimaha, sharafka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaaraha oo dardaaran u jeediyay ciidanka tababbarka qaatay, ayaa xusay in cutubyadani ay door weyn ka ciyaari doonaan dadaallada dowladdu ugu jirto xaqiijinta amniga dalka iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah oo caqabad ku ah amniga iyo midnimada dalkeenna.

Ugu dambeyntiina, wuxuu uga mahadceliyey dowladda Turkiga, shacabkooda iyo xukuuumaddooda dadaalkooda iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News