Sawirro: Saxaafada Caalamka oo aad u hadal heysa Sawir qaade Musiibo la kulmay

Nairobi (Caasimada Online)-Warbaahinta Caalamka ayaa aad u hadal heysa Saxafi sawir qaade Abd Alkader Habak oo kamid ahaa Saxafiyiintii la socday labadii Bas ee lagu Qarxiyay duleedka magaalladda Aleppo.

Warbaahinta ayaa soo bandhigtay Sawiro laga soo qaaday Saxafiga oo ka qeybqaadanaayo badbaadinta dadka dhaawaca ah oo u badnaa Carruur.

Saxafiga ayaa la socday mid kamid ah gaadiidka waxa uuna ujeedkiisu ahaa la socodka heerka uu maraayo daad gureynta Kumanaanka kun ee ku noolaa Magaalooyinka go’doonsan ee dalka Syria.

Sawirada laga baahiyay Saxafiga ayaa waxaa mid ka mid ah laga dheehan karay isagoo ilmo yar kala cararaya qaraxyo ka dhacay Degmooyinka Kefraya iyo Foua oo ay Ciiddanka Dowladda Syria gacanta ku hayaan.

Sawirada laga qaaday Abd Alkader Habak iyo goobta Qaraxa ayaa waxaa ka muuqday argagax ka dhashay Qaraxyada waxaana goobta buux dhaafiyay Meydad iyo dhaawacyo.

Sawir qade Abd Alkader Habak ayaa waxaa sidoo kale la arkaayay isagoo jilbo jabsaday meel ku xigta halka uu yaallay maydka ilmo kale.

Abd Alkader Habak waa uu ooyayay, wuxuuna awoodi kari waayey waxa uu goobjooga u noqday oo aheyd musiibo, waxa uuna gabay hankiisii ku aadanaa in warbixin iyo sawiro ka diyaariyo daabulida dadka lala eegtay Qaraxa.