BF oo go’aan ka gaaray habka loo marayo bedelka kursiga laga dhinto ama la iska casilo

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan waxaa la is waydiinayey qaabka loo soo xuli doono XIldhibaanada dhintay iyo kuwa xilka wareejinayo, waxaana arrintaas go’aan cad ka qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed.

Xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho oo uu shir  guddoominayay guddoomiyaha gollaha shacabka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  ayaa arrintaas ka hadlay oo aheyd mid la sugayey muddo.

Jawaari ayaa ugu horeyn sharaxaad ka bixiyey   qaraar ka hadlaya buuxinta kuraasta ka banaanaada golaha shacabka, kaa soo ku saabsanaa in guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka loo wakiisho arintaa iyadoo ay jiraan Xildhibaano arrintaas kasoo horjeeday iyo halka qaar badan ay arrintaas ku qanacsanaayeen.

Markas Kadiba Guddoonka  ayaa cod geliyay qaraarka oo ku saabsanaa qaabka loo maamulayo kuraasta ka banaanaada baarlamaankam waxaana 128 mudane ay ogalaadeen in guddiga doorashooyinka  loo madaxbanaaneeyo soo buuxinta kuraasta ka bannaan gollaha, halka ay diideen 16 mudane, waxaana ka aamustay  6 kale, waxayna codeyntaas aheyd mid gacan taag ah.

Waxaa la go’aamiyey in hadda kadib kursiga Xildhibaan kasta ee banaanaada uu ku imaan doono sida markii hore lagu soo doortay waxaana sidaas kulanka ka sheegay Prof. Jawaari oo intaa ku daray in wixii khilaaf ah ee ka dhasha arrintaa loo gudbin doono maxkamadda sare ee dalka, halka markii hore loo gudbin jiray gudiga xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka, wuxuuna noqday go’aan ay ku qanceyn inta badan Xildhibaanada

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa jira kuraas xiligan banaan oo ay tahay in la soo buuxiyo, waxaana muuqata in wixii hadda ka danbeeya gudiga madaxabanaan ee doorashada arintaa loo idmaday, waxaana kuraasta banaan ka mid ah XIldhibaano dhintay iyo kursiga uu baneeyey Sanbaloolshe oo loo magacaabay taliyaha nabad sugidda qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com