Sawirro: Shabaab oo soo bandhigay askar ku biirtay iyo gaari ay wasiir kala goosteen

Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay seddax askari oo ay sheegeen inay kasoo goosteen Jubbaland iyo gaari ay kala soo goosteen wasiir ka yirsan xukuumadda Jubbaland.

Afhayeenka dhanka howlgallada ee maleeshiyada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa ka soo muuqday goobta lagu soo bandhigay askarkaan

Al-Shabaab waxay sheegeen oo kaliya in askartaan ay towbad keentay oo safka Jubbaland ay ka soo baxeen, balse ma bixin faahfaahin kale, markii laga reebo inay soo bandhigeen gaari ay la soo goosteen.

Gaariga ay askartaan kala soo goosatay Jubbaland, waxaa la sheegay inuu lahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee dowlad goboleedka Jubbaland Mustafa Xaaji.

“Waa sawirrada seddax askari oo ka soo goostay safka Jubaland, askartan towbadkeenka ah ayaa labo kamid ah waxay lasoo goosteen gaari cusub oo HaarTop ah oo uu lahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jubaland, waxaana lasoo goostay darawalkiisii qaaska ahaa Cabdifitaax Nuur,” ayaa lagu yiri faahfaahin ay kooxdu ka bixisay arrinta askartaan.

Maalmo ka hor ayuu soo yeeray warkaan sheegaya in kooxda Al-Shabaab uu u goostay darawalkii wasiirkaas oo wata gaarigii wasiirka, iyadoo masuuliyiin ka tirsan Jubbaland ay xaqiijiyeen gaarigaas toos loo geeyey Jilib.

Hadda ma cadda goobta lagu soo bandhigay askartaan oo Al-Shabaab inta badan ma sheegaan goobaha ay joogaan madaxdooda, balse waxay u badan tahay in goobtaan ay tahay howdka gobolka Jubbada Dhexe, gaar ahaan aagga Jilib.

Gobolkaas Jubbada Dhexe ayey aad ugu dhuumaareystaan amiirrada argagixisada Al-Shabaab, in kastoo ay aad ugu dhuuntaan dhulka howdka ah, maadaama gobolku yahay dhul beereed dhir badan leh, hadana inta badan duqeymo kama dhacaan, weerar toosana warkiisaba daa, oo kooxda laguma baacsado gobolkaas.

Dad waxaa ka yaabisay sababta xiligaan oo meel kasta lagu baacsanayo Al-Shabaab ay ugu goosteen askar ka tirsaneed ciidamada Jubbaland, waxaana arrintaan ku geedaaman mugdi badan.

Jubbaland weli kama aysan hadlin dhacdadaan oo mid lamid ah ay bilo ka hor ku dhacday guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal oo darawalkiisii uu u goostay Al-Shabaab, iyadoo la garan waayey ama aan lasoo bandhigin sababta ku kaliftay.

Hoos ka eeg sawirrada askarta iyo gaariga ay soo bandhigeen Al-Shabaab