Sida kaliya ee lagu qabsan karo Ceelbuur, Galhareeri iyo Ceelgaras – Fallanqeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud waa bartilmaameed weyn marka laga hadlayo dagaalka dowladda iyo shacabka iskaga dul-qaadayaan Al-Shabaab.

Ceelbuur waxa waqti fog ka talinayay Al-Shabaab. Kal xukunkii hore ee madaxweyne Xasan S ayaa mar AS laga saaray magaalada, markaas oo duulaanka kaalin ku lahaayeen ciidanka Itoobiya, waxaa kale oo la xasuusta inuu xiligaas madaxweyne Xasan Sheekh uu tagay Ceelbuur.

Xilligaas ayada oo deegaanada kale la aadin ayuu madaxweyne Xasan Seekh amray in la qabto Ceelbuur, maanta oo xukunka kusoo laabtay dowladuna sidii hore ka xoog badan tahay shacabkuna ay go’aankooda ku biiriyeen in Al-Shabaab la bixiyo waa iska cadahay inay Ceelbuur bartilmaameed weyn u tahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Billo ka hor madaxweynaha waxa uu calaamadeeyay qabashada laba bartilmaameed oo ahaa Aadan Yabaal iyo Xarardheere, labadiina waa laga saaray Al-Shabaab weliba qabashadooda waxay sahashay in deegaano kale soo galaan gacanta dowladda.

Hadda, waxa u weyn ee la sugayo waa inuu madaxweynaha farta ku fiiqo Ceelbuur, taas ma dheera mana dhib badna.

Xogaha laga helayo Ceelbuur iyo magaalooyinka u dhowdhow waxay sheegayaan in horjoogayaashii Al-Shabaab iyo qoysaskoodii laga soo saaray Masaajid Cali-Gaduud, Aadan Yabaal, Galcad, Ceeldheer iyo Xarardheere inay kusoo qaxeen Ceelbuur, Galhareeri, Ceelgaras iyo deegaanada u dhowdhow Ceelbuur, halkaas oo hadda ay kirada guryaha qaali noqotay.

Dagaalkan joogsan maayo illaa laga soo afjaro Al-Shabaab sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh, haddaba maxaa la gudboon dadka degan Ceelbuur, Galhareeri, Ceelgaras iyo deegaanada ku xeeran.

1. Inaysan kooxda ka aqbalin dagaal: Al-Shabaab waa awoodi waayeen inay ku dagaalamaan deegaanadii laga soo saaray, waxaa sabab u ahaa inay qabaa’ilka diideen in quwada dowladda ay ka hortagaan iyo in magaalooyinkooda la burburiyo.

Waxaa jira warar sheegay in Al-Shabaab dadka degan Ceelbuur iyo naxaawigeeda ay ku qal-qaalinayaan dagaalka nagala qeyb-gala.

Dadka deegaanadaasi kama faham xuma dadkii deegaanada kale ee gacmaha ka taagay inay difaacaan Al-Shabaab, iyada oo shalay la idiin diiday inaad xornimo u ganacsataan, ilmihiinu wax bartaan qaar xoog la idinkaga watay oo dagaal iyo qaraxyo ku dhinteen, xoog la idinkaga qaatay xoolihiina, dhaqankiina iyo saldanadiinii soo jireenka ahayd la burburiyay oo deegaanadiinuna 15 sano ay ka dambeeyaan Soomaalida kale.

In maanta haddana Al-Shabaab idin weydiistaan intiina hartay dagaalka gala oo ku dhamaada magaaladana ha la-duqeeyo oo ha la dumiyo, kadibna aad aqbashaan waxay idinku noqon doonta khasaare lagu karfanay khasaare kale iyo taariikh xumo aan tirmi doonin.

Reer Ceelbuur haddii ay Al-Shabaab u sheegaan in aanay dagaalka qeyb ka noqon karin sidii magaalooyinka kale iyaga ayaa iska bixi doona iyaga oo aan xabad ridin.

2. Inaysan shacabka duurka gabaad ugu noqon kooxda: Al-Shabaab dhowr goobood oo ay ka baxeen waxay dadkii deegaanka ku qasbeen qax iyo inay iyaga duurka u raacan si aanay diyaaradah u duqeyn iyadoo loo turayo shacabka.

Sida lala socdo dhamaan deegaanadii Shabeellaha Dhexe dadkii lahaa waa kusoo laabteen. Dad sabool ah u baahan baad, biyo iyo caafimaad, caruurtoodana nolol iyo waxbarasho u raba macquul ma aha in koox argagixiso ah jiqda u raacaan oo gabaad u noqdaan.

Dadka Ceelbuur iyo naxaawigeeda degan dhib uma laabto, odayaasha iyo dadka wax-galka ah ee deegaanka waxaa la gudboon in aanay kooxda ka daba-qixin.

Xilligii Al-Shabaab laga cabsan jiray waa soo dhamaatay. Haddii kooxda loo sheego in aanay taas macquul ahayn umadda magaalada degan ma wada dhameyn karaan.

3. Dhalinyarada u dagaalanta Al-Shabaab ee kasoo jeeda Ceelbuur: Al-Shabaab ciidan ahaan waa gabal sii dhacaya, waa macquul in fikirkooda uu muddo sii noolaado laakiin ciidan ahaan dhul uma sii haysan karaan.

Dhalinyarada Ceelbuur iyo deegaanada ku teedsan kasoo jeeda ee Shabaabka ah waxaa la gudboon in aanay aqbalin in dadkooda la qixiyo, magaalooyinkooda la duqeeyo iyo in aanay raadin wax ay macquul ka dhigi karin.

Dhinaca Wabxo ciidan ayaa ka jooga, dhanka Dhuusamareeb ciidan kale ayaa ka jooga, sidoo kale dhanka Qaayib ayaa ciidan ka jooga.

Dhalinyarada Al-Shabaabka ku jira ee deegaanadaas kasoo jeeda tallooyinka loo jeedinayo waxaa kamid ah inay ciidanka iyo siyaasiyiinta ku xisaabta ah la xiriiraan, iskuna dhiibaan tii oo ay ka faa’iideysanayaan fursadii madaxweyne Xasan Sheekh ee ahayd cafiska.